Wasiir Beyle oo si kulul uga hadlay arrin muran badan dhalisay oo ku saabsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa shaaca ka qaaday arrin muran badan dhalisay oo ku saabsan xuquuqda shaqaalaha dowlada.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay si toosa u bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowlada, xili ay jiraan warar is khilaafsan oo kasoo baxaaya xaqiiqda bixinta mushaaraadka .

Wasiir Beyle ayaa sheegay in uusan jirin hakad ku yimaaday bixinta Mushaarka Shaqaalaha dowladda islamarkaana si joogto ah ay u qaataan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dowladda Somalia ay xil gaara iska saartay sidii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaalaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha helaan xaquuqdooda dhammaadka bil walba, inkastoo weli walaac uu jiro.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhammaatay in la musuq-maasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay, isagoona tilmaamay in wax cabashon ah haatan uusan soo gaarin Wasaarada maaliyada oo ku aadan in qof shaqaale ah oo ka cabanaya mushaarkiisa oo aan la siinin.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in mushaar la’aan muddo laba bil ah ay ka taagan tahay xarumaha dowlada gaar ahaan Wasaaradaha iyo kuwa amniga, waxa ayna tani qarka ka tuureysaa haddalka uu sheegay Wasiir Beyle.

Haddalka Wasiir Beyle ayaa imaanaya xili uu dhawaan Ra’isul wasaare Kheyre xaqiijiyay in shaqaalaha dowlada ay leeyihiin xuquuq ka maqan oo aan lasiin balse ay bixin doonaan.

Geesta kale, mushaar la’aan ka dhex jirta xarumaha dowlada ayaa muran ba’an ka dhex dhaliyay madaxda dowlada iyo shaqaalaha, maadaama Wasaarada Maaliyada aysan kawarqabin qaabka loo kala qaato mushaarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com