Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa si adag ugu soo jawaabay Xildhibaan Yaasiin Farey oo shirkadda Hormuud ku eedeeyey inay ku lug leedahay barakicinta dadkii laga saaray Suuqa Siinaay, isagoo wacad ku maray in ganacsatada iibsatay dhulkaas aysan ku nacfi doonin.
Wasiirka oo ka jawaabayey eedeynta Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkiisa ku bilaabay, “Jiingado sharci darro ah oo dhul dawladeed laga dhistay, isagoo difaacaya inuu shirkad Soomaaliyeed jaa’ifeeyo, wax aysan ku lug lahayna ku eedeeyo lagama aqbalayo.”
Sidoo kale Wasiir Cumar, ayaa sheegay in Xildhibaan Yaasiin uu maleeshiyaad hubeysan dhaxkeenay Caasimadii Dalka ee Muqdisho, isla markaana uu galay dambi weyn oo lagu maxkamadayn karo.
“In isagoo Xildhibaan Qaran ah uu falal amniga dalka dhaawacaya ku lug yeesho waa ayaan darro,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi.
Sidoo kale, wuxuu gef aan la aqbali karin ku tilmaamay in Xildhibaan Yaasiin uu weli adeegsanayo hadallo kicin iyo fidno abuur ah oo bulshada lagu kala fogaynayo, “Inuu cararo inta fidno kiciyayna waa fulaynimo,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi.
Dhinaca kale, Shirkadda Hormuud Telecom oo tixraaceysa qoraalka Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa iska fogeysay eedeynta ah in dhulka Siinay ay iibsadeen.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hormuud ayaa lagu yiri, “Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay.”
Hurmuud oo qoraalkeeda soo raacisay sawirka ciwaanka Xildhibaanka ayaa soo bandhigtay afar qodob oo ay ku caddeyneyao in shirkaddu aysan ku lug laheyn arrimaha dhulkaas, qodobada ayaa kala:
1. Hormuud Telecom aanay maalgelin mashruucaas, lugna ku lahayn.
2. Shirkadaha ka faracmay (subsidiaries) shikradda Hormuud aysan wax maalgelin ah ku lahayn mashruucan, si toos ah ama si dadban.
3. Guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.
4. Bankiguna uusan maalgelin mashruucan.
Halkaan ka eeg qoraalka Xildhibaan Yaasiin Farey ee Hormuud ay beenisay, Wasiir Cumar-na uu qaab siyaasadeysan uga soo jawaabay.