Wasiir fashiliyay qorshaha ay Israel ka damacsan tahay masaajidka Al-Aqsa

Jer (Caasimada Online) – Dowlada Israel ayaa wada isku day ay ku maamuleyso Masaajidka al-Aqsa ee Bariga al-Quds oo sabab u ah Dagaalka ay wadaan Falastiiniyiinta.

Wasiirka Arrimaha Diinta Falestine ee Sheekh Yousif Ideis ayaa sheegay in Dowlada Israel ay ku dhiiganeyso inay burburiso Masaajidka al-Aqsa ee Bariga al-Quds, waxa uuna sheegay in qorshaha muuqda uu yahay in halkaasi ay ka dhisayaan goobo lagu caweeyo.

Wasiir Sheekh Yousif Ideis, ayaa sheegay in Israel ay burburinta Masjidka u isticmaaleyso nidaamyo ku cusub Falastiin, waxa uuna tilmaamay in maalin waliba ay hoos ka qodaan Masjidka si uu ugu sahlanaado burburintiisa.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in xukuumada Tel Aviv ay qorsheenayaan inay huriyaan dagaal diimeed ee gobolka iyagoo isku dayaya inay burburiyaan masaajidka, sida uu hadalka u dhigay, xili uu la khidaabaayay Wargeysyada kasoo baxa Falastiin.

Waxa uu sidoo kale, Wasiirku sheegay in qorshaha Israel uu yahay mid ka fog sida loo maleynaayo waxa uuna tilmaamay in Dowlada Muslimka ah ay il gaara ku hayaan dhacdooyinka ku cusub Masaajidka al-Aqsa ee Bariga al-Quds.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Israel ay dhagaha ka fureysatay hakinta qorshaha lagu burburinaayo Masaajidka al-Aqsa ee Bariga al-Quds.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com