Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay olole doorasho oo uu xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka shalay ku qabsaday degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa jawaab culus siiyay Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole oo haatan qayb ka ah madaxda ka qayb-galeysa shirka Kismaayo.
Fiqi ayaa ku eedeeyay Faroole inuu ka shaqeynayo dagaal ka dhaca caasimada isla markaana uu adeegsanayo rag uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in arrintaas aysan shaqeyn doonin, isla markaana laga soo gudbay xilligii qorayga, dalkana uu aaday doorasho qof iyo cod ah, sida uu ku dooday.
“Bal Faroole warkiisii ka warrama hala diriro ayuu leeyahay Sheekh Shariifow qoriga qaad adaa Xasan Sheekh iska celin karee arrintaas waa soo dhammaatay doorasho ayaa la galayaa” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ka codsaday in maalinta Khamiista ah ee soo socota ay u diyaar garoobaan doorashooyinka ka bilaabanaya goboka Banaadir, isla markaana ay dul qaad muujiyaan inta ay socoto codeynta doorashada.
“Maalinka Khamiista safafka waa dheeraanayaan si edeb leh haloo istaago safafka maalinkaas hala dul qaato qorraxda way kululaan kartaa” ayuu raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli muran xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashada, isla markaana ay bannaanka ka joogaan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo haatan ku shirsan magaalada Kismaayo, iyaga oo la filayo in ay soo saaraan go’aanno xasaasi ah.

