26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Wasiir Fiqi oo si xun u weeraray Madaxweyne DENI

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan dalka Jabuuti oo uu uga qayb-galayo Xuska 25 guurada kasoo wareegtay Shirweynihii Nabadda Carta ee 2000 ayaa weerar xun ku qaaday Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Saciid Deni oo ay siyaasad ahaan is hayaan dowladda dhexe.

Ugu horreyn Fiqi ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee uu isagu kamid yahay ee hadda jooga Jabuuti, wuxuuna sheegay in ay u mahad-celinayaan Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa oo waqti geliyay dowladnimada Soomaaliya.

“25 sano kadib inaan u dabaal dagno u mahadcelino Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti ugana mahadcelno meesha lagu aas aasay dib loogu soo celiyay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya mahad-celintaas ayaan wadnaa” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray Fiqi “Waxaan joognaa in dowladnimadii halkan lagu yagleeyay ay maanta shaqeyneyso maanta QM ay fadhido dalkeedii anfaceyso, aduunkiina uu ka babanayo calanka Soomaaliya”.

Intaas kadib Wasiirka Gaashaandhigga oo su’aallo ay waydiiyeen Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan khilaafka taagan iyo inay tagayaan Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna ku jawaabay in meel kasto oo dalka kamid ah ay tegayaan, wada-hadalladana ay socdaan.

Sidoo kale wuxuu toos u beegsaday Madaxweyne Deni oo uu balaayo ku tilmaamay, isaga oo sheegay in uu diidan yahay in la tago Garoowe, sida uu hadalka u dhigay.

“Jubbaland iyo Puntland waa dhulkeenii, waana tageynaa Madaxweynaha ayaaba hadda ka yimidee war Garoowana waa tagayaa laakiin nin balaayaa ayaa joogo” ayuu yiri wasiirku.

Fiqi ayaa inta badan khudbadihiisa ku weerara xubnaha mucaaradka iyo madaxdii hore, isaga oo lagu yaqaanno inuu afkiisa ku difaaco xukuumadda uu markaas ka tirsan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News