28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wasiir Jaamac oo is barbar dhigay qorshaha mucaaradka iyo midka Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, una dhexeyso mucaaradka iyo dowladda.

Jaamac ayaa marka hore is barbar dhig ku sameeyay qorshaha is-diidan ee Madasha Samatabixinta iyo midka Villa Somalia, maadaama ay isku hayaan siyaasadda dalka.

Wasiirka ayaa su’aal ka keenay qorshaha mucaaradka, wuxuuna sheegay inay ogol yihiin dibadbax nabadeed oo uu dastuurka qabo, balse ay diidan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo uu tilmaamay in iyadana uu ogol yahay dastuurka dalka, ayna xaq u leeyihiin shacabka.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in shacabka ay u diidan yihiin xuquuqdooda dastuuriga ah, si ay uga qayb-galaan doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

“Banaanbax nabadeed oo habraac sharci loo maro waa dastuuri qodobkaas waa arkaan saaxiibadeeda mucaaradka, Xuquuqdii ka muhiimsaneed ee ahayd in dadku xaq u leeyihiin iney doortaan madaxdooda maxaa diidey iney arkaan, isla Dastuurka ayuu ku qorantahay aleen. Weliba maxaa la isgugu dayaayaa in hor istaag lagu sameeyo iney shacabku xaqooda dastuuriga ah isticmaalaan?. Baroortu orgiga ka weyn” ayuu yiri Jaamac.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo culus, taas oo ka dhalatay khilaafka gudaha ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaashamucaaradka, kaas oo meel xun gaaray, isla markaana isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii todobaadkii hore ay labada dhinac ku dagaalameen aagga saldhiggga Warta Nabadda.

Dagaalka ayaa sii xumeeyay xaaladda, waxaana kadib mucaaradka ay iclaamiyeen dibadbaxayo waa wayn oo ka dhacaya saddex goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee laga barakiciyay dadka shacabka ah.

Inkastoo maanta dib loo dhigay mudaharaadyada, ayaa waxaa hadane la’isku raacay in la qabto 9 maalmood gudahood, iyada oo laga fakirayo badqabka shacabka ka qayb-galaya.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yir Sheekh Shariif oo hoggaamiyo Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Read more

Local News