Wasiir ka tirsan Hirshabelle oo loo handaday kadibna ciidamo laga adeejiyay

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha amniga Maamulka Hirshabelle Bashiir Xasan Xersi ayaa sheegay in hadadaad loogu gaystay Magaalada Jowhar.

Wasiiru Dowlaha amniga ayaa tilmaamay in Handadaada uu u jeediyay Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle xili uu doonaayay inuu galo Hotel uu ka dagan yahay Magaalada Jowhar.

Wasiiru dowlaha amniga Hirshabelle, ayaa sheegay in Wasiirka uu kasoo adeejiyay ciidamadiisa isla markaana loogu handaday afafka hore ee Hoteelka, iyadoo loo diiday in gaarigiisa uu la galo Hoteelka.

Wasiiru dowlaha amniga wuxuu sheegay falka handadaada iyo qoryaha lagu qabtay intaba inuu ka dambeeyo Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle.

Wasiiru Dowlaha amniga Hirshabelle, ayaa sidoo kale, tilmaamay in kiiska arintaan maxkamad loo gudbiyay, sharcigana la isla tagi doono sida uu hadalka u dhigay.

Deegaanada Hirshabelle, ayaa waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabelle oo eedeyntaan ay ku socoto.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com