Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubaland Macalin Maxamed Ibraahin ayaa waxaa maanta lagu xiray Qarax la doonaayay in lagu khaarijiyo.
Qaraxa lagu xiray gaariga ayaa waxaa loo xiray laba kamid ah ilaalada Wasiirka kuwaasi oo looga shakiyay inay iyaga ka danbeeyen Qaraxa loo qorsheeyay Wasiirka.
Ciidamada amniga Jubaland ayaa fashiliyay dhagartan lagu doonayay in lagu khaarijiyo wasiirka, waxaana la sheegay in Gaariga Qarax lagu xiray xili wasiirka uu ku sugnaa Gurigiisa.
Fashilinta Qaraxa kadib ayaa waxa ay saacado kooban Ciidamadu hawada ka saaren Isgaarsiinta magaalada Kismaayo.
Waxaa iminka socda baaritaano lagu hayo Askarta falkaasi loo xiray, inkastoo Wasiirka uusan tuhmin Askartaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]