Wasiir Khadiijo Diiriye oo si caro leh uga hadashay warar ka dhan ah oo lagu faafiyay Baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Diiriye ayaa si carol eh u beenisay wararka sheegaya in si fool xun loola dhaqmay ciyaartooyda 17-jirada.

Wasiir Khadiijo waxa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ay faafiyeen kuwa ay xanuunjineyso Horumarka Somalia, waxa ayna carab dhawday in dhalinyaradaasi qudhooda la weydiinkaro waxa loo sameeyay.

Ciyaartooyda ayey sheegtay in soo dhaweentooda ay ka qeybqaaten Madax iyo shacaba isla markaana ay marqaati leedahay in si wanaagsan looga soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, hase ahaatee wararka beenta ah aysan u joojin doonin wanaaga jira.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay intaa ku dartay in Ciyaartoyda aysan aheyn kuwo Xabsi ku jira, isla markaana Magaalada halkii ay doonaan ay ka mari karaan.

Waxa ay sheegtay in Caruurtaas Iskuulkii ay dhiganayeen fasax laga soo qaaday iyo sidoo kale Waalidintooda,isla markaana aysan mudneyn in la yiraahdo maxaa saas loo yeelay, waxa ayna ku talisay in laga Shaqeeyo horumarka Ciyaaraha dalka.

Mas’uuliyiinta soo dhaweysay ee wakhtiga kula qaatay qeybta VIP Garoonka ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, Wasiirka amniga iyo Mas’uuliyiin kale.

Haddalka Wasiir Khadiijo ayaa kusoo beegmaaya xili baraha bulshada lagu faafiyay Sawiro la sheegay in looga been abuuray Ciyaartooyda kuwaa oo waxbadan loogu dhimaayo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com