25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wasiir Maareeye oo ku dhaqaaqay arrin dad badan ka careysiisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa loo heystaa musuq maasuq uu ku sameeyay ergada beesha uu kasoo jeedo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka warfaafinta uu sameeyay isdaba marin ku aadan ergada kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya.

Waxaana la sheegayaa in wasiirka uu u gudbiyay gudiga doorashooyinka Dadban  ergo aanan aheyn kuwii saxda ahaa ee uu soo gudbiyay ugaaska beeshiisa.

Waxaa muuqata dib u dhac ku yimid waqtigii la qorsheeyay in la sameeyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Cabashooyin badan ayaa kasoo yeeraya odayaasha dhaqanka beesha uu kasoo jeedo wasiirka, waxaana la sheegayaa inuu geeyay dad isaga uu doonayo iney dib usoo doortaan.

Suldaanka beesha oo xanuun u yaala mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in wasiir Maareeye uu ka faa’ideystay.

Suldaanka iyo wasiirka ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf hoose, waxaana suldaanka uu xilkaan la doonayaa shaqsi kale oo kasoo jeeda beesha wasiir Maareeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News