Jowhar(Caasimada Online) – Waxaa goordhow lagu wadaa in go’aan uu kasoo baxo Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle kaasi oo xal u noqon doona Musharaxiintii u tartameysay Aqalka Hoose ee xalay ku dagaalamay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Mas’uuliyiinta laga gaari doono go’aanka ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Sport-ka Xukuumada Somalia Maxamed Xassan Nuux iyo laba Musharax kale.
Ilo ku dhow dhow Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle ayaa xaqiijiyay inay suuragal tahay in Wasiir Nuux laga saaro Liiska Musharaxiinta Aqalka Hoose.
Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Wasiir Nuux booskiisa lagu raadin doono Musharax kale, waxaana mar waliba suuragal ah in si Hoose loo dhameeyo isla markaana Wasiir Nuux loo fasaxo inuu sii wato doorashadii
Guddiga Doorashooyinka ayaa iminka shir ku leh Madaxtooyada maamulka waxa uuna shirkaasi yahay mid go’aan looga gaarayo Wasiir Nuux iyo Musharaxii xalay ay wada dagaalameen.
Lama oga natiijada kasoo bixi doonta Shirka go’aanka looga gaari doono Wasiirka iyo Musharaxa kale.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar