25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wasiir sheegay in Jawaari uu si bareera u lunsaday mushaarkii xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho waxaa lunsasho Hanti qaran lagu eedeynayaa Guddoomiyihii Baaralaamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo iminka ka tirsan Xildhibaanada dib loo soo doortay.

Cismaan Adan Dhuuboow Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, oo arrintaasi uga waramaayay Idaacada SMN, ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub uu uga digaayo in mar kale ay dib usoo doortaan Jawaari.

Cismaan Adan, waxa uu tilmaamay in Jawaari uu isku darsaday Lunsasho iyo fashil howlihii loo igmaday, waxa uuna farta ku goday in dhammaan howlihii loogu tallo galay Baarlamaanka uu si toos ah u hoosgeeyay Madasha Wadatashiga Qaran.

Mr. Dhuuboow ayaa tibaxay in Guddoomiyaha Baarlamaanka laga rabay in uu la wareego howlaha Qaran marka uu dhamaado Waqtiga Madaxwaynaha islamarkaan uu noqdo shaqsi u dhaxeya musharaxiinta.

Dhuuboow, waxa uu intaa raaciyay in bilihii ugu danbeeyay uu Jawaari lunsaday dhaqaalaha loogu tallo galay Xildhibaanada isagoo ka faa’iideysanaaya wakhtiga gabagabada ah.

”Cid waliba ayaa og in Jawaari uu bilihii ugu danbeeyay uu ahaa mid ka dhiigeysanaayay mushaaraadka Xildhibaanada”

Geesta kale, wasiir Dhuuboow ayaa carabka ku adkeeyay in Jawaari uu isku bedelay shaqsi u jajaban ololaha Madaxweynaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News