27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Wasiir xilkii uu hayay isaga casilay musuq maasuqa ka jira Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug isku casilay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka maamulka Galmudug Cali Daahi

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in xilkiisa uu isaga casilay kadib markii la gacan bidixeeyay kursiga ay beeshiisu ku laheyd Cadaado.

Cali Daahir Isagoo la hadlaayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Kursigaasi la gacan bidixeeyay ay ka danbeeyen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey.

Wasiiru dowlaha waxa uu sidoo kale sheegay in Musuqa ka taagan magaalada Cadaado uu gaaray heerkii ugu danbeeyay waxa uuna dhaliil u jeediyay Guuleed iyo Carabeey oo uu sheegay inay ka macaashayaan kuraasta leys dabamariyo.

Is casilaada Wasiiru dowlaha ayaa imaaneysa xili dhawaan ay sidoo kale isku casileen Wasiiro dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News