Wasiir Xoosh oo soo bandhigay 3 qodob oo sharci ahaan mamnuuc ka ah maamul Goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Somalia C/raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa ka hadlay waxyaabaha ka mamnuuca maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Wasiir Xoosh waxa uu sheegay in maamul Goboleedyada dalka aysan xor u aheyn waxyaabaha qar oo iyagu khuseeya keliya dowlada.

Waxa uu Wasiir Xoosh tilmaamay in Maamul Goboleedyada dalka aysan shaqo ku laheyn faragalinta Siyaasadda arrimaha Dibadda, Maaliyadda Gaashaandhigga iyo arrimaha Socdaalka.

Dowlada Federaalka ayuu sheegay inay u gaar tahay arrimahaasi, halka maamul Goboleedyada ka jira dalka ay usoo marayaan dhanka dowlada oo keliya haddii ay dhacdo inay u baahdan.

Wasiir Xoosh ayaa arrimahan oo dhan wuxuu sheegay in ay hoos imaanayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya xaqna ay u leedahay in ay maamusho, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in dhammaan waxyaabahaasi uu kala saaraayo Dastuurka dalka ee iminka qabyada ah, wuxuuna ballanqaaday in leysku fahmi doono waxyaabo badan oo hadda aan ku cadeyn Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Xoosh ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka Puntland aysan xaq u laheyn inay taageerto dowlada Sacuudiga, maadaama ay taa u taal dowlada Dhexe ee Somalia.

Si kstaba ha ahaatee, Wasiir Xoosh ayaa hoosta ka xariiqay inaanu wax kasoo qaad laheyn go’aanka ay maamul Goboleedyada ku taageerayaan xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com