Wasiirada cusub oo yeelanaya kulan khaas ah oo diirada lagu saarayo 2 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in kullankii koowaad ay isugu yimaadan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee shalay la meelmariyay.

Kullanka Golaha Wasiirada ayaa ka dhacaaya Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, waxaana looga hadli doonaa shaqooyinkooda ugu muhiimsan.

Kullanka ayaa waxaa la xaqiijiyay in si gaar ah diirada loogu saari doono arrimaha Amniga iyo Abaaraha, waxaana laga soo saari doonaa go’aan cad oo ku aadan wax ka qabadasha labadaasi arrimood.

Wasiirada ayaa laga dhageysan doonaa fekeradooda ku aadan xal u helida Amniga iyo Abaaraha, waxaana halkaasi lagu dajin doonaa qorsho cusub.

Kheyre ayaa horay u sheegay in Xukuumadiisa ay muhiimada koowaad siin doonto arrimaha Amniga oo ay tahay in wax laga qabto xaalada amni daro ee hada dalka ka taagan.

Sidoo kale Khayre ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad weyn siin doonto sidii loogu Gurman lahaa bulshada ay saameysay Abaaraha dalka ka jira.

Geesta kale, kullankaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com