25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Hadiye oo la kulmay danjiraha Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Hadiye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Robleh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya .

Kulankani ayaa waxaa looga hadlay danaha wadaagga ah ee labada dowladood si gaar ah howlgalka ciidanka Djibouti “ Hiil Walaal” ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMSIOM), tababarida ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed .

“Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxa ay kaga mahad-celineysaa ciidamada Djibouti ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan , kaalinta muuqata ee ay ka qaateen nabadda iyo deganaanshaha , iyagoo ku howlgalaya magaca AMISOM , waxa ay si la mid ah ugu mahad-celineysaa ciidamada kala jinsiyadaha duwan ee ka qeyb ah howlgalkaasi” ayuu yiri Wasiirka.

Kulankani oo ku dhammaaday jawi is afgarad leh ayaa waxaa goob ka ahaa diblomaasiyiin ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safaaradda Djibouti ee caasimadda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News