27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Wasiirka amniga oo amar cusub duldhigay taliyaha booliska Soomaaliya DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga.

Ra’isul wasaaruhu waxa uu si guud uga hadlay amniga iyo hanaanka ugu sahlan ee lagu sugi karo, iyadoo wixii mas’uuliyad ah ay dusha saran doonaan Hay’adaha amniga.

Wasiirka amniga gudaha xukuummadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in amniga Caasimadda lagu wareejiyo booliiska.

Goluhu waxa ay isla oggolaaden in mas’uuliyada amniga caasimadda lagu wareejiyo Booliiska, in dhammaan ciidanka xasilinta la hoos geeyo booliiska si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo in ciidanka nabad-suggiddu ay mas’uul ka yihiin helidda xogta sir-doon ee gacan ka geysaneysa adkeynta amniga.

Golahu waxa uu faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo ciidanka Guutada 14-ka Octoober si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyada oo goluhu ku war-geliyay  wasaaradda maaliyadda in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa sheegay in Taliyaha Booliska dalka lagula xisaabtami doono dhammaan dhacdooyinka amni darro ee kadhaca magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, amarka Wasiir Ducaale ayaa u muuqanaaya mid meesha ka saaraya amarkii Madaxweynaha ee amniga Muqdisho loogu wareejiyay Militeriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News