28.4 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

Wasiirka Arrimaha dibadda Djibouti oo soo gaaray MUQDISHO iyo ujeedada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo isugu jira Wasiiro hore iyo Xildhibaano.

Wasiir Maxamuud Yuusuf ayaa hor dhac u ah Wasiirada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD,iyadoona la filayo in magaalada Muqdisho uu uga qeybgalo Shirka wasiirada arrimaha dibada IGAD oo maalinta bari ah ka furmaayo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Somalia, halkaasi oo uu kulamo kula qaadanaayo Madaxda Qaranka Somalia.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka IGAD, iyadoona ay magaalada kusoo qulqulayaan wufuud kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News