25.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Narendra Modi oo kulmay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

New Delhi (Caasimada Oline) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo haatan ku sugan Hindiya ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Narendra Modi, intii lagu guda jiray shir u dhexeeyay wasiirrada arrimaha dibadda ee Hindiya iyo Carabta, kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo la shiray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, waxayna kala hadleen arrimo ku aadan iskaadhiga labada dhinac.

Kulankan ayaa sidoo kale astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada.

Waxaa kale oo diiradda la saaray horumarinta wada-shaqeyn, wadahadal wax ku ool ah, iyo iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya xasilloonida iyo barwaaqada wadajirka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadly wuxuu mar kale caddeeyay, sida ay uga go’an tahay diblomaasiyad dhismeed oo heer gobol ah, iyo dhisidda iskaashiyo miro-dhal ah oo wax ku ool u ah danaha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo Jimcihiid hex-maray wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Hindiya Dr. Subrahmanyam Jaishankar oo ku heshiiyay in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo skaashiga u dhexeeya labada waddan.

Hindiya iyo Soomaaliya waxay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen sanadihii hore ee xornimada Soomaaliya kaddib, waxaana Hindiya ay sii waday xiriirka iyo wada-shaqeynta iyadoo adeegsanaysa shabakaddeeda wakiillada diblomaasiyadeed, xitaa kaddib markii ay xirtay safaaraddii Muqdisho xilligii dagaalka sokeeye.

New Delhi ayaa sidoo kale door ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya la xiriira, oo ay ku jiraan ka-qaybgalka hawlgallada Qaramada Midoobay iyo joogitaan ciidan-badeed oo muddo dheer ka socday gobolka ballaaran, sida ku xusan qoraallada rasmiga ah ee wakiillada diblomaasiyadeed ee Hindiya.

- Advertisement -

Read more

Local News