25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia oo loola cararay isbitalka Nairobi kadib..!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimada Kenya waxay sheegayaan in cisbitaalka guud ee magaalda la dhigay ra’isul wasaare ku xigeenka Somalia ahna wasiirka arimaha dibada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan kadib markii xanuun uu kusoo booday.

Wasiirka oo shalay gaartay Nairobi si ay uga qayb gasho kulan looga hadlayo arrimaha qaxootiga oo ka furmaya Nairobi  ayaa la sheegay in mar qura xanuun deg deg ah uu kusoo booday.

Inkatoo xilligan xaalkeeda caafimaad sida la sheegayo uu yahay mid soo reynaya,  haddana waxaa la sheegay inay miir daboolantay marlkii xanuunkan uu ku soo booday walina lama sheegin waxa xanuunkaasi  uu yahay.

Dowlada Somalia wali kama aysan hadlin xanuunkan isbitaalka loo dhigay  wasiirada arimaha dibada Somalia iyo waxa ay kala socoto .

Sidoo kale dowlada Kenya oo ah halka iminka wasiirada ay ku xanuunsaneyso ayaan iyana dhankeeda arintan ka hadlin .

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News