Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta booqasho deg-deg ah ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir.
Kormeerka Wasiirka ayaa u daarna si uu ugu kuurgalo dhacdadii lagu faafiyay baraha bulshada ee muujinaysay hooyo Soomaaliyeed oo aan helin gurmad deg-deg ah.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay maamulka isbitaalka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku jiray shaqada 26-kii October 2025 xilligii ay dhacdadu dhacday.
Wasiirka Caafimaadka ayaa u kuurgalay faah-faahinta buuxda ee xaaladda, oo ay ku jiraan dib u eegista CCTV-ga, shaqaalaha iyo diiwaanada bukaan-qaadista.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in dhacdadan aan marnaba la aqbali karin, maadaama adeegyada caafimaad ee deg-degga ah yihiin xuquuq asaasi ah.
“Waxaan aad uga xunahay umadda Soomaaliyeed ka raali-gelinayna in kiis noocaas ah ay ka dhacaan isbitaalka Banaadir hortiisa, oo ah isbitaalka ugu weyn ee hooyada iyo dhallaanka lagu daryeelo ee dowladdu ku faanto,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.
Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in marka baaritaanka si dhab ah loo soo gebo-gabeeyo tallaabooyin maamul iyo sharciba la qaaadi doono.
“Waxaa noo soo baxday marka wareysanay shaqaalaha iyo maamulka, ee aan daawanay kaamirada CCTV in kiiska uu ahaa cunug bilaha aan dhameysan, in loo xawilay isbitaal kale. Waxaan u caddeynaynaa umadda Soomaaliyeed in baaritaan dheeri aan sameyn doono, oo si dhab ah aan uga daba tegi doono wax kastoo qaladaad iyo dayacaad ah.”
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada Soomaaliyeed u xaqiijisay in ilaalinta badbaadada hooyada iyo dhallaanka ay mudnaanta koowaad tahay, isla markaana aysan jiri doonin cid laga aqbalayo dayacaad halis galinaysa nolosha shacabka.
Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirrada:














