Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Axmed Macallin Fiqi, kadib munaasabad maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xil wareejinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo labada wasiir xilalka u kala wareejiyay.
Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa aad u boggaadiyay shaqadii uu wasaaradda ka qabtay Fiqi oo haatan loo beddalay wasaaradda gaashaandhigga, kadib isku shaandheyn dhowaan uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sidoo kale Xamza guul u rajeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa horay u ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda, waxaana hadda loo soo beddalay arimaha dibadda, kadib isbeddalkii dhowaan lagu sameeyay qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.
Wasiirka cusub ayaa waxaa sugeysaa shaqo adag, maadaama wasaaradda arrimaha dibadda ay u xilsaarantahay xiriirika caalamiga ah iyo arrimaha diblomaasiyadda oo haatan maraya meel wanaagsan, marka loo eego fagaaraha iyo caalamka iyo gobolka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallada ballaaran ee haatan ka socda dalka, gaar ahaan xukuumadda, waxayna arrintan bixineysa laba fasir, kuwaasi oo kala ah:
1. In isku shaandheynnadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed.
2. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta.
Tan ayaa ka dhigan si kasta oo xubnaha golaha waxqabadkooda loo saluugana aysan madaxda sare haysan dookh ka duwan iyaga, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo — taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad syaasadeed oo cakiran, waxaana buuqa uu gaaray baarlamaanka dhexdiisa iyada oo taasi sii dheertahay dagaalka Al-Shabaab.