Wasiirka gaashaandhiga Somalia oo kashifay xiriiro badan oo qarsoonaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga Somalia Cabdixaiim Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in burcad badeeda dalka Somalia ay taageero ka helaan dalal shisheeye, oo isku dayaya inay qaribaan ammaanka iyo xasiloonida dalka ku yaalla geeska Africa.

Isaga oo la hadlayay wakaaladda wararka Iran ee FNA, ayaa Fiqi waxa uu sidoo kale tilmaamay xiriir ka dhaxeeya burcad badeedda iyo kooxda Al-Qacida.

“Waa macquul taas…waana ay caddahay in kooxaha burcad badeeda ay maal geliyaan kooxo iyo dowaldo shisheeye, oo isku dayaya inay wiiqaan nabadda iyo xisiloonida Somalia, ayaga oo doonaya inay ka taajiraan afduubka doomaha maraya biyaha Somalia” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Somalia ay mucaaradsan tahay burcad badeednimada, waxaana uu intaas ku daray in Muqdisho ay ku tala jirto inay xoojiso ciidamadeeda badda, si looga hortago shufto badeedda.

Fiqi ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto dhismaha ciidamada badda Somalia, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhameyanayo burcad badeedda gobolka.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Muqdisho, Somalia