25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka warfaafinta Maareeye oo ka mid noqday xildhibaanada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada  Online) – Wararka aan ka heleyno xarunta doorashada xerada gaadiidka ayaa sheegaya in wasiirka warfaafinta uu kusoo baxay doorashada xildhibaanada Somaliland matalaya.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa kusoo baxay doorashada gobolada Waqooyi ee ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka Maareeye ayaa waxaa la tartamayay Axmed Maxamed Cumar, waxaana waxiirka uu helay Codad Gaaraya 51 cod, taasi oo ka dhigan in hal cod xitaa uusan khasaarin.

Axmed Maxamed oo u muuqdo inuu u camirayay wasiir maareeye ayaanan helin wax cod ah.

Doorashada xildhibaanada Somaliland matalaya ayaa maalmahaan hakad ku jirtay, waxaana dib loo bilaabay maanta oo Sabti ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News