Wasiirkii hore arrimaha dibada oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirka Soomaaliweyn

Hargeysa (Caasimada Online)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somalia, Maxamed C/llaahi Oomaar oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee isku magacaabay Somaliland ayaa ka tanaasulay fikirkii uu aaminsanaa ee Somaliweyn.

Mr. Oomaar oo dib ugu laabtay Hargeysa shalay ayaa sheegay inuu garowsaday qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaana cafis u fidiyay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Saxaafadda Somaliland ayaa baahisay socdaalka Maxamed C/llaahi Oomaar ku tegay Hargeysa, iyadoo lagu wado inuu warbaahin la hadlo.

Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Somaliland ee xilalka ka qabta Somalia ayaa ka mamnuuc inay tagaan Somaliland ilaa ay ka tanaasulay mowqifkoda Somaliweyn.

Waxaa horay Hargeysa ugu laabtay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Ismaaciil Hurre Buubaa, iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar u tartamay xilka madaxweynaha Somalia 2012-kii balse markii uu ku hunhuubay ka tanaasulay mowqifkii uu ku dheganaa ee Soomaaliweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com