Wasiirkii hore ee amniga oo fariin u diray DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan soo laba kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus, isaga oo farriin culus u diray dowladda dhexe.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horey u soo noqday wasiirka amniga gudaha ayaa ka dalbaday wasaaradda caafimaadka inay waajib ka dhigto xirashada maaskaraha, si loo xakameeyo fidista cudurka saf-marka ah ee Covid-19 oo markale ka dilaacay Somalia.

“Si loo xakameeyo faafidda cudurka Covid-19, waa in wasaaradda caafimaadka ay qasab ka dhigto xirashada maaskaraha,” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya looga baahan yahay in karantiisho dhammaan dadka kasoo safraya UK, maadaama Soomaaliya aysan xilligan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay dalkaasi.

“Waa inay muddo laba todobaad ah karantiisho dadka ka soo safra UK, maadaama Soomaaliya aysan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay UK. Todobaadkan, laba qof oo UK ka yimid, lagana helay cudurka ayaa u dhintay,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad kale oo ka dhalatay labo kacleynta cudurka Coronavirus, waxaana sii kordhaya tirada dadka uu soo ridanayo & kuwa u dhimanayo.