Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya oo ka haray tartanka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray qoraal kooban ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro doorashada, isaga oo tilmaamay in uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guuleysto.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xiriiray inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay hamigiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xeeran doorashada ay ka hor imaanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imaanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed waxay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse waxaa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab istaagay ololihii aan ku jiray,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Go’aanka wasiirka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maanta ay ku egtahay diiwaan-gelinta doorashada madaxweynaha cusub oo ay isku diiwaan-geliyeen illaa 32 musharrax.

Doorashada dalka ayaa lagu wadaa in la dhameystiro maalmaha soo socda, waxaana mida madaxweynaha ay dhaceysaa 15-ka bishaan aynu ku jiro May ee sanadkan 2022-ka.