Wasiirkii hore ee ganacsiga ee xukuumaddii Kheyre oo isku sharxaya madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdullahi Cali Xasan ayaa hadda la sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi ayaa wasiir ka soo noqday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ninkaan ayaa taageero ka helaya bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiin aaminsan in isagu ugu mudan yahy xilka madaxtinimada dalka, si dalka looga samata bixiyo xaaladaan adag.

Xildhibaano ku cusub baarlamaanka iyo kuwo sanado ku soo jiray dibna markale ugu soo laabtay ayaa ku xog waramay in Cabdullahi Cali Xasan oo nin reer Muqdisho ah uu qaatay talo soo jeedin badan oo kaga timid qeybaha kala duwan ee bulshada. Iyagoo u arka inuu leeyahay sifaha hogaan ee xilligaan dalku u baahan yahay.

Wasiir hore Cabdullahi Cali Xasan ayaa dadka yaqaana waxay sheegaan inuu yahay nin shaqsi ahaan degan, karti iyo amaano leh, waayo arag ah, kana soo shaqeynayey mudo ka badan 30 sano hey’adaha dowliga ah, hay’adaha samafalka iyo arimaha ganacsiga, isla markaana siyaasadda Soomaaliya ku dhex  jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Indheer garadka reer Muqdisho iyo siyaasiyiin kale oo maamul goboleedyada ka kamid ah ayaa rumeysan in Wasiir hore Cabdullahi haddii uu ku guuleysto madaxtinimada dalka uu si sahlan u kasban karo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka ee mucaarad iyo muxaafid intaba, inkasta oo aysan caddeyn heerka taageerada uu haysto.

Doodaha warbaahinta, hadal heynta bulshada iyo falanqeynta siyaasadda bilihii u danbeeyay waxay dhamaan ku saabsanaayeen boobka doorashada ku socda iyo sida xal loogu heli karo ragga xildhibaanada soo noqday ee markii hore ahaa saraakiil iska soo horjeedda.

Waxaa kale oo jirta in aqoonyahano iyo quboro siyaasadeed ay ka digayeen hadii uu soo baxo madaxweyne dhanka mucaraadka ama muxaafidka ah inuu dalku geli karo xaalad hubanti la’aan ah iyo natiijo aan la isla aqbalin.

Xilli waqtigu uu is gurayo, doorashada baarlamaankana ay ku socto qaab aysan bulshadu ku farxin, waxaa isisoo taraya baaqa ku aadan in doorashada madaxweynaha la raadiyo xal ka duwan sida muuqata, isla markaana dalka loo dooro shaqsi isku wadi kara dhinacyada iska soo hor jeeda ee baarlamaanka soo wada galay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Cabdullaahi Cali Xasan waa aqoonyahan xog-ogaal u ah xaalada dalka iyo marxaladihii uu soo maray uuna leeyahay karti iyo waay-aragnimo uu ku mideyn karo shacabka Soomaaliyeed oo kala qoqoban.

Dadka aqoonta dheer u leh wasiir hore Cabdullahi waxay ku sifeeyeen in Cabdullaai yahay nin dalka u jaheyn kara dowlad wanaag, deganaansho siyaasadeed, mid amni, horumar dhaqaale, mid bulsho, cadaalad iyo sinnaan.