Wasiirkii hore ee maaliyada oo lagu Aasay muqdisho

Allaha Unaxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay wasiirkii ugu horeeyya ee wasaarada Maaliyada Soomaaliya Cismaanm Axmad rooble.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada SoomaaliyaSiyaasiyiin,ehalada Marxuumka iyo kuwa kale ayaa maydkiisa kaga hortagay Garoonka Aadan Cadd.

Allaha Unaxariistee Cusmaan Axmed Rooble allaha waxa uu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee maaliyada Somalia waxaana uu todobaadkii hore uu ku geeriyooday dalka ingiriiska.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa hantiilayaasha ugu magaca weyn dalka Somaliya iyadoona dad badan ay sheegaan inuu ahaa qof ku wanaagsanaa arimaha ganacsiga muddo ka badana 40 sano uu ganaci kusoo jiray.

Cusmaan Axmed Guure ayaa waxa uu dhashay 1919-kii waxaana maanta la geeyey gurigiisii rasmiga ahaa ee qabriga.

Allaha unaxariistee Cusmaan Axmed Rooble ayaa waxa markii la keenay garoonka diyaaradaha Adan Cadde airport meesha kasoo qaaday ehelkiisa iyadoona salaadii janaazada lagula tukaday masjid kuyaalla Waaberi.

Markii salaada janaazada lagu tukaday ayaa waxa loo qaaday meydka qabuuraha shiikh Suufi ee kuyaalla dhabarka dambe ee madaxtooyada Villa Somalia.