Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sarreeye Gaas Cabdulmajiid Saqar.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalka Masar.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada wadan iyo taageeridda dedaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah ee danaha labada dhinac.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri ee labada dal.
Sidoo kale wuxuu xusay in ciidanka Masar ee qeybta ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u gaaray heshiis dhanka amniga, iyadoo labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen kadib heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaasi oo ay ku dooneysay Addis Ababa inay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.
Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo dhawaan ciidamo usoo diraysa gudaha dalka.
Sidoo kale waxay Qaahira door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.






