25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Arrin Yaab leh: Wasiiru dowle u kala dalaalaya musharaxiinta beeshiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somalia Mahad Maxamed Salaad uu is hortaag ku sameeyay liis la sheegay inay wateen Musharaxiin dooneysa kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub.

Wasiiru dowlaha ayaa la sheegay in kala fadilaayo tirro Musharaxiin ah isagoo ka faa’iideysanaaya miisaanka uu ku dhex leeyahay Madaxtooyada Somalia.

Mahad Maxamed Salaad oo ah Wasiiru dowladaha qaatiga laga taagan yahay ayaa la sheegay inuu wato ilaa Afar Musharax, halka sidoo kale uu is hortaag ku sameeyay kuwo kale.

Mahad Maxamed Salaad, ayaa sidoo kale la sheegayaa in Afarta musharax ee uu wato qudhooda uu sii kala dalaalayo, maadaama fursadu ay tahay mid gacantiisa ku jirta.

Ayaan Faarax Canshuur, oo kamid ah musharaxiinta uu ku tacadiyay Mahad Maxamed Salaad, ayaa sheegtay in si ula kac ah uu isku hortaagay waxa ayna cadeysay in kuraastaasi uu shaqsiyaad kale u wato.

Ayaan Faarax waxa ay tilmaantay in Mahad Maxamed Salaad uu tashwiish galiyay hankeeda musharaxnimo ee Aqalka Hoose.

Ayaan,waxaa ay sheegeysaa in iyaga oo 4 Musharrax ah uu mahad u diiday in ay u tartamaan Kursiga islamarkaana uu doonayo in uu isaga ku soo laabto Kursiga ay iyaga oo 4 ah doonayaan in ay isaga kula tartamaan.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in Guddiga doorashada ay ku jiraan shaqsiyaad isaga u ololeynaya sidoo kalena uu Odayaasha matalaya uu duufsaday islamarkaana ay diideen in ay la socdaan halka ay mareyso Ergada dooraneysa Kursigaas in ay u codeeyaan.

Docda kale, Dacwadaani ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan aan sheegnay in Mahad Salaad uu uruurinaayo Xubno lagu daro Baarlamaanka cusub si ay codka usiiyan Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News