Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Afgooye

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka dhacay duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Warmaxan ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda oo saldhig ku leh deegaankaasi iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan ayaa guullo ka sheegatay, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan lix askari, tiro kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kalena ay ku soo qabsadeen mooto nooca Fekon-ta ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna sidoo kale khasaare culus gaarsiiyeen.

Ma jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, marka laga tego sheegashada labada dhinac.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka bilaabay halkaasi.

Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose.