26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Weerar culus oo ka dhacay Boosaaso iyo khasaaro ka dhashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bosaso (Caasimada Online) – Maleeshiyaad Hubeysan ayaa weerar xoogan ku qaaday ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugnaa Isgoyska soddonka gaar ahaan wada dheer ee isku xirta kantaroolka laga soo galo magalaada iyo bartamaha Bosaso.

Maleeshiyaadka Hubeysan ayaa ciidamada kasoo weeraray dhowr jiho waxaana iska caabiyay Ciidamada maamulka kadib markii ay ku fureen Rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Weerarka ay soo qaaden Maleeshiyaadka aan heebtooda la garaneynin ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhawaacba leh.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba ruux, halka Lix kalana uu kasoo gaaray dhaawac kala duwan.

Lixda ruux ee uu dhaawaca soo gaaray ayaa isugu jira shacab iyo ciidan, iyadoo labada dhimatay ay ahaayeen laba dhalinyaro ah oo ka shaqeyn jiray mehrad ku tiilay goobta uu weerarka ka dhacay.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan ka hadal weerarka iyo Khasaaraha ka dhashay ee soo kala gaaray labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News