26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay duleedka Afgooye

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Cumar Beere, kadibna waxaa sidaas ku qarxay dagaal la’isku riiqmay oo dhaliyay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Sidoo kale waxaa jira khasaare lixaadleh oo iyana la gaarsiiyay raggii weerarka soo qaaday, waxaana goobta lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in weli rasaas laga maqlayo bannaanka magaalada Afgooye.

Ciidamada dowladda oo sidoo kale weli ku sugan aagga lagu dagaalamay, waxaana way wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay gobolka ay ka socdeen howlgallo xoreyn ah oo lagu jabiyay kooxda, looguna gaysta khasaarooyin culus.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamadu ay qabsadeen degmada Awdheegle, halkaas oo laga fara maroojiyay kooxda oo muddo gacanta ku haysay degmadaasi.

Waxaa kale oo la xoreeyay deegaannada Bariire, Sabiid iyo Caanoole, kadib dagaallo ay halkaas ku qaadeen ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Xeeladdii Xasan Sheekh ee Kismaayo

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News