28.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Weerar qorsheysan oo uu dhiig ku daatay oo lagu qaaday qasriga boqortooyada Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta carabta waxaa la fashiliyay weerar qorsheysnaa oo lagu qaaday qasriga boqortooyadda Sacuudiga ee ku yaala maagalada Jida ee dalka Sacuudiga.

Weerarka ayaa la sheegay inay fashiliyeen ciidamada amaanka ee ka howlgala xeendaabka qasriga, kadib markii laga shakiyay kooxaha falkaasi fulinaayay.

Warbaahinta qaar ayaa sheegay inuu dhacay weerarka balse ay ciidamadu ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarka ka hor inta uusan ku faafin dhammaan qasriga.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal ruux oo loo malaynayo inuu ka tirsanaa kooxda weerarka qaaday iyo laba askari oo kamid ahaa ilaalada qasriga.

Dhinaca kale, Qasriga la weeraray ayaa u dhow xeebta magaalada Jida waxaana heegan la galiyay ciidamada amaanka iyadoo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News