Dimishiq (Caasimada Online) – Iska-hor-imaadyadii u dambeeyay ee ka dhacay Suweyda iyo faragelinta militari ee ay ku xigsatay ee Israa’iil, ayaa mar kale dalka Suuriya kusoo celiyay masraxa siyaasadda gobolka.
Tan iyo ridistii nidaamkii madaxweynihii hore Bashaar Al-Asad ee bishii Diseembar ee la soo dhaafay, mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee taagnaa waxay ahayd in maamulka cusub ee Suuriya uu awood u yeelan doono inuu isku-duubo taageerayaashiisa, iyada oo ay jirto kala qaybsanaan qoto dheer oo xagga fikirka iyo siyaasadda ah oo dalka ka jirta.
Si loo fahmo marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee hadda ka jirta Suuriya, waxaa muhiim ah in la darso sida colaadda xudunteedu tahay Suweyda iyo faragelinta Israa’iil ay u saameyn doonto isku-xirnaanta taageerayaasha maamulka cusub.
Xiisadda ka soo cusboonaatay koonfurta Suuriya waxay ku bilaabatay iska-hor-imaad dhex maray maleeshiyooyinka Duruuska iyo kuwa Badawiyiinta, taas oo keentay in ciidanka Suuriya ay soo farageliyaan. Kaddib Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ka fulisay Dimishiq, iyada oo beegsatay xarumo militari oo muhiim ah, oo ay ku jirto xarunta-dhexe ee ciidanka, waxaana sidoo kale la soo sheegay in duqeymo ay ka dhaceen meel u dhow aqalka madaxtooyada.
Kaddib ka bixitaankii ciidamada Suuriya ee Suweyda, waxaa sii socday iska-hor-imaadyadii u dhexeeyay kooxaha Duruuska iyo reer baadiyaha, taas oo sii kordhisay kala-qaybsanaanta, isla markaana dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan badqabka shacabka ee gobolka.
Ciidanka cusub ee Suuriya iyo xulafadiisa ugu muhiimsan ee Turkiga, ayaa khibrad dagaal oo ballaaran ka helay sanado badan oo colaad ah. Waxay si wadajir ah door muhiim ah uga ciyaareen ridistii nidaamkii Asad iyo yareynta saameynta ay Iiraan iyo Ruushku ku lahaayeen gobolka.
Israa’iil, oo muddo laba sano ku dhow ku haysay xasuuq wadareed magaalada Gaza, ayaa si dhow ula socota horumarradan, waxayna u muuqataa inay doonayso inay u adeegsato hoggaamiyeyaasha Duruuska si ay usii waddo xasilooni darrida Suuriya. Hadafkeeda ugu weyn waa in ay ka hortagto isku-duubnida maamulka cusub ee Suuriya, oo ay u aragto mid halis ku ah, gaar ahaan marka la eego iskaashiga dhow ee uu nidaamku la leeyahay Turkiga.
Beddelidda xeeladaha
Iyaga oo ka jawaabaya duqeymaha Israa’iil ee Dimishiq, isla markaana muujinaya daacadnimadooda dawladda, kooxaha qabaa’ilka ayaa si dhab ah ugu noqday jiid cusub oo dagaal maamulka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmed al-Sharca. Qabaa’ilku waxay adeegsadeen istaraatiijiyado cusub, sida inay gabbaad ka dhigtaan magaalooyinka iyo inay gubaan taayarro si ay u carqaladeeyaan kormeerka cirka, taas oo u sahashay inay u gudbaan bartamaha magaalada Suweyda maalintii Jimcaha.
Ilaa hadda Israa’iil awood uma yeelan inay fuliso faragelin wax-ku-ool ah, maadaama duqeymaha cirka aysan ahayn hab ficil ahaan suurtagal u ah in lagu beegsado kooxaha qabaa’ilka ee ku sugan dhul buuraley ah.
Maamulka cusub ee Suuriya waxaa hareeyay su’aalo la xiriira sida lagu gaari karo isku-duubni siyaasadeed iyada oo la isku xirayo kala duwanaanshaha gudaha ee taageerayaashiisa.
Caqabaddani waxay ka ballaaran tahay hawsha is-dhexgalka kooxaha sida Kurdida – Xisbiga Midowga Dimoqraadiga (PYD) iyo Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) – iyo Duruuska. Maamulka cusub ee Suuriya waxaa ku jira aragtiyo kala duwan oo feker iyo siyaasadeed oo ay qasab tahay in si wax-ku-ool ah loola macaamilo, xag militari iyo xag siyaasadeedba.
Beegsiga Israa’iil ee Dimishiq wuxuu walaac ku abuuray dhammaan taageerayaasha maamulka cusub ee Suuriya, iyada oo isla markaas fududaysay iskaashi ballaaran oo heer deegaan ah, sida ay muujiyeen hawlgalladii u dambeeyay ee qabaa’ilka. Dhaqdhaqaaqan wuxuu gacan ka geysanayaa fududeynta is-dhexgalka gudaha ee taageerayaasha nidaamka.
Kooxaha Duruusku waxay sidoo kale dhexdhexaadin ka raadsadeen Dimishiq, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashoodu ay ku baaqayaan hub ka dhigis iyo in lagu biiro maamulka cusub ee Suuriya. Marka la eego dhacdooyinkii u dambeeyay, hoggaamiyeyaashan waxay u muuqdaan inay saameyn ku yeelanayaan shakhsiyaadka la safan Israa’iil sida Xikmat al-Xajri. Haddii ay Duruusku ku guuleystaan inay is-dhexgalaan Suuriya inteeda kale, tani waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa hab-raaca hub ka dhigista ciidamada Kurdida.
Sidaas darteed, beegsiga Israa’iil ee Dimishiq wuxuu keenay in taageerayaal badan oo maamulka cusub ee Suuriya ay mudnaanta siiyaan ka jawaabista khataraha dibadda. Is-dhexgalka kooxaha Duruuska iyo maamulka dhexe ee Dimishiq waxay gacan ka geysan doontaa midnimada qaranka ee dalka, iyadoo isla markaas dib u qaabeynaysa loollanka awoodda ee guud ahaan Suuriya.

