24.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Weerarkii Godka Jilacow oo la soo afjaray iyo DF oo soo saartay xog buuxda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u soo afjartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay shalay galab ku qaadday xarunta Baarista Jilacow ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ciidamada ammaanka ay ku dileen dhammaan kooxdii weerarka fulisay.

War-saxaafadeed rasmi ah oo xukuumaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, islamarkaana ay toogteen toddoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo isku dayay inay galaan xarunta baarista ee hoos timaadda hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

“Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo lagu faahfaahiyay natiijada howlgalka.

War-saxaafadeedka laguma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka, iyo suurta-galnimada waxyeelo soo gaartay ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Xeeladda kooxda weerarka qaaday

Dowladda ayaa sheegtay in kooxda weerarka fulisay ay adeegsatay gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo lagu rinjiyeeyay midabka iyo astaanta ciidamada qalabka sida, iyaga oo sidoo kale xirnaa darees u eg kan ciidamada amniga, taas oo u suurto-gelisay in ay si fudud uga gudbaan baraha koontarool ee caasimadda.

“Tani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa sheegtay in weerarka Sabtida dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

“Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay duqeymo culus oo lala beegsaday deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo amniyaadka iyo qaraxyada u qaabilsanaa kooxda.

Waxaa la xaqiijiyay, sida lagu sheegay bayaanka, in duqeymahaasi lagu dilay Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax), oo ahaa ku-xigeenkii madaxa guud ee amniyaadka Al-Shabaab iyo madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa.

Amarro cusub oo la soo saaray

Dowladdu waxay sheegtay in kadib weerarkan, la amray dhammaan hay’adaha amniga in ay si adag u fuliyaan xeerarka amniga caasimadda, kuwaas oo horey loo ansixiyay balse aan si buuxda loo dhaqan gelin.

“Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hay’adaha amniga ayaa si gaar ah loogu faray in ay adkeeyaan xakamaynta gaadiidka iyo hubka gudaha Muqdisho, lana ilaaliyo isticmaalka midabada iyo astaamaha ciidamada oo si khaldan u adeegsada cid kasta oo aan amar u haysan.

“Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka ayaa u tacsiyeeysay ehellada iyo saraakiishii ay ka geeriyoodeen weerarka, iyadoo ku ammaanay ciidamada amniga sida ay uga jawaabeen weerarka iyo geesinimada ay muujiyeen.

“Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda.

Muqdisho oo muddo nabad ahayd

Weerarkan ayaa yimid iyadoo caasimadda Muqdisho ay bilihii la soo dhaafay ku jirtay xaalad amni oo degan, waxaana dhawaan la furay 52 waddo oo horay loo xiray sababo la xiriira amniga, iyadoo ujeedku ahaa fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo kalsoonida shacabka ee dowladda.

“Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda furitaanka waddooyinka.

Muddo bilo ah ayaa Muqdisho ka caaganeyd weerarrada waaweyn iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab fuliso, waxaana weerarka maanta uu xasuusin u yahay halista weli jirta ee ay kooxdu ku hayso caasimadda, inkastoo dowladda sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada lagu ciribtirayo. 

- Advertisement -

Read more

Local News