27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Weerarkii lagu qaaday Ilhaan Cumar oo muujiyay arrin kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte, haddana ah musharrax madaxweyne oo ka fal-celiyay weerarkii xalay lagu qaaday Senator Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu muujiyay geesinimadeeda, kadib markii nin careysan oo masraxa ugu soo cararay xilli ay ka qaybgalaysay kulan dadweyne (Town hall) oo ka dhacay magaalada Minneapolis, isagoo ku buufiyay dareere ur badan.

Weerarka ayaa dhacay xilli Ilhaan ay si adag u cambaaraynaysay falalka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamada Maraykanka (ICE) ee gobolka Minnesota oo si weyn u sameeyay Soomaalida ku dhaqan gobolkaasi.

Caynte oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Ilhaan aysan muujin wax cabsi ah, isla markaana ay si geesinimo leh isaga difaacday ninka oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga, ayna muujisay kartideeda Soomaalinimo.

“Xildhibaan Ilhan Omar waxay muujisay geesinnimo aan caadi aheyn, iyadoo aan cararin markii cunsurigu soo weeraray, balse isku dayday iney iska caabbiso. Geesinnimada ay muujisay waa mid sharaf u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxayna Ilhan tusaale toolmoon u tahay jiilka soo koraya, gaar ahaan gabdhaheenna” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Caynte.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in weerarka lagu beegsaday Ilhaan uu yahay fal abaabulan oo la doonayay in nafteeda lagu waxyeeleeyo.

“Weerarka bahalnimada ah ee lagu soo qaaday xildhibaanadda wuxuu qayb ka yahay beegsiga abaabulan ee waayadaan lagu wado Soomaalida Mareykanka. Hubaal waxaa ah in gardarradu guuldarreysan doonto. Waxaa mahad leh Allah SWT badbaadiyey xildhibaanadda” ayuu sii raaciyay.

Ninka weerarka gaystay ayaa durbo lagu oogay dacwad weerar heerka saddexaad ah (third-degree assault), iyada oo kooxda baarista dembiyada (Forensics) ay goobta gaareen, si ay u baaraan dareeraha la isticmaalay.

Weerarka ayaa yimid xilli Ilhaan ay weerar afka ah ku haysay Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem iyo hay’adda ICE, iyadoo ku baaqaysay inay is-casisho kadib dilkii laba muwaadin oo Maraykan ah oo dhowaan ka dhacay Minneapolis intii uu socday hawlgalka socdaalka ee uu riixayo Donald Trump.

- Advertisement -

Read more

Local News