25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Wiil iyo aabihii oo fuliyey weerarkii shalay lagu laayey Yahuudda dalka Australia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sydney (Caasimada Online) — Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in laba nin oo is-dhalay – aabe iyo wiilkiisa – ay ka dambeeyeen weerarkii dhiigga badani ku daatay ee lagu qaaday munaasabad ay lahayd bulshada Yuhuudda oo ka dhacday Xeebta Bondi.  

Weerarkan oo galaaftay nolosha 15 qof ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee loo adeegsado hubka noocaas ah ee dalkaas ka dhaca muddo ku siman 30 sano, iyadoo guud ahaan dalkaasi uu galay xaalad tiiraanyo iyo baroordiiq qaran ah. 

Shir jaraa’id oo ay Isniintii qabteen saraakiisha booliska ayay ku sheegeen in aabaha, oo 50 jir ahaa, ay toogasho ku dileen ciidamadu isla goobta, halka wiilkiisa 24 jirka ah uu dhaawac ahaan ugu jiro xaalad halis ah.

Masuuliyiinta ayaa dhacdadan axaddii dhacday ku tilmaamay weerar argagixiso oo si gaar ah loogu beegsaday bulshadaas, kuna saleysan xagjirnimo iyo naceybka loo qabo Yuhuudda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerarku qaatay qiyaastii 10 daqiiqo, xilli xeebta caanka ah ee Bondi ay la ciir-ciireysay dadweyne ku naaloonayay jawiga kulul ee fiidkii. Rasaasta ayaa sababtay kala carar iyo jahwareer xooggan, iyadoo boqolaal qof ay u firxadeen waddooyinka iyo jardiinooyinka u dhow.

Booliska ayaa qiyaasay in goobta lagu dhigayay munaasabadda Hanukkah ay ku sugnaayeen dad gaaraya 1,000 qof.

Xarumaha caafimaadka ayaa la tacaalaya dawaynta 40 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo ay ku jiraan laba askari oo xaaladdoodu deggan tahay balse culus. Da’da dhibbanayaasha ayaa u dhexaysa 10 jir ilaa 87 jir oo ah dad waayeel ah.

Laamaha amniga ayaa meesha ka saaray shaki horey u jiray oo ku aaddanaa inuu jiray dabley saddexaad, iyagoo ku kalsoon in weerarka ay fuliyeen labadaas qof oo qura. Baaritaannada ayaa weli socda, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga xaafadaha ay deggen yihiin bulshada Yuhuudda ah.

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese, oo booqday goobta masiibadu ka dhacday, ayaa dhacdadan ku sifeeyay “Bog madow oo u furmay qaranka.” Wuxuuna intaas ku daray in laamaha amnigu ay si qoto dheer u baarayaan ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya weerarka.

“Waxa aan shalay aragnay wuxuu ahaa shar saafi ah, fal ku dhisan naceyb, iyo argagixisanimo ka dhacday mid kamid ah goobaha ugu caansan Australia,” ayuu yiri Albanese oo la hadlayay warbaahinta.

Isagoo garab istaag u muujinaya bulshada Yuhuudda, wuxuu yiri: “Maanta Australia oo dhan ayaa idinku soo gurmaneysa, waana idin garab taagannahay. Wax kasta oo lagama maarmaan ah waan sameyn doonnaa si aan u dabar-goyno naceybka noocan ah; waa aafo bulsho, waana ciribtiri doonnaa.”

Albanese ayaa xusay in madax caalami ah oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay la soo xiriireen si ay u muujiyaan garab istaag.

Trump, oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad, ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagax leh oo salka ku haya naceybka Yuhuudda, isagoo u tacsiyeeyay dhibbanayaasha Bondi iyo weerar kale oo ka dhacay Jaamacadda Brown ee gobolka Rhode Island ee Mareykanka.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay geesinimo naadir ah oo uu sameeyay qof shacab ah oo la legdamay, hubkana ka dhigay mid kamid ah dableyda, tallaabadaas oo si weyn loo bogaadiyay, lana rumeysan yahay inay badbaadisay nolosha dad badan.

Qofkaas ayaa markii dambe lagu sheegay nin muslim ah oo lagu magacabo Ahmed.

Boqolaal askari ayaa Isniintii weli ku sugnaa degmada Bondi, iyadoo waddada weyn ee deegaankaas ay xirneyd maadaama goobta loo aqoonsaday goob dambi.

Rabbi Mendel Kastel, oo dumaashigii Eli Schlanger lagu dilay weerarka, ayaa sheegay in habeenku ahaa mid aad u xanuun badan. “Waa wax aad u sahlan in qofku caroodo oo cid eedeeyo, laakiin tani taas ma aha. Waa arrin ku saabsan midnimada bulshada,” ayuu yiri. “Waa waqti aan u baahannahay inaan is garab istaagno oo aanan is eedeysan. Waana ka gudbi doonnaa dhibaatadan.”

Haweeney goobjoog ahayd oo lagu magacaabo Danielle, taasoo u carartay inay badbaadiso gabadheeda oo ku sugnayd goob u dhow halka rasaastu ka dhacaysay, ayaa tiri: “Waxaan maqlay rasaas, waxaana u orday inaan soo kaxeeyo gabadheyda. Waxaan arkay meydad daadsan dhulka. Tan iyo 7-dii October, waxaan ku nooleyn cabsi joogto ah.”

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu cusleyd ee soo marta silsilad weeraro ah oo lala beegsaday macbadyada iyo hantida Yuhuudda Australia tan iyo billowgii dagaalka Gaza ee October 2023. Bulshada Yuhuudda ee Australia, oo tiradoodu gaareyso 150,000, ayaa intooda badan ku nool xaafadaha bari ee Sydney oo ay Bondi kamid tahay. 

- Advertisement -

Read more

Local News