Columbus (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah ayaa weerar la rumeysan yahay inuu yahay mid argagixiso ka geystay jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.
Wiilkan ayaa baabuur uu watay ku jiiray arday meel taagneyd kadibna waxa uu ku billaabay weerar mindi ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Taleefishinka NBC ee Mareykanka ayaa sheegay in wiilkan Soomaaliga ah uu ka mid ahaa ardada jaamacadda, una deganaa dhisme u dhow jaamacadda.
Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Abdirisaq Cali Cartan, waxa uu dalka Mareykanka ku joogay sharciga deganaanshaha rasmiga ah ee loo yaqaan Green Card.
“In aad baabuur ku jiirto dad, kadibna kasoo degto oo aad dadka mindi la dhacdo, taas waa ficil ku talo-gal ah” Waxaa sidaas yiri madaxa booliiska jaamacadda Craig Stone.
Wiilka Soomaaliga ah oo 19 jir ahaa ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliiska.
Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, waxaana la sheegay in qof ka mid ah xalaaddiisa ay tahay mid halis ah.
Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]