26.6 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wiilka Hassan Nasrallah oo shaaciyey xog xasaasi ah oo la xiriirta ka hor dilka aabihiis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beirut (Caasimada Online) – Sannad ka hor xilligan oo kale, hoggaamiyihii Xisbullah, Xasan Nasrallah, waxaa hareeyey caro xooggan oo ka dhalatay qaraxyo ay Israel la beegsatay aaladaha gacanta ee lagu xiriiro (pagers) oo ay siteen xubno ka tirsan kooxdiisa oo ku sugnaa daafaha dalka Lubnaan, sida uu sheegay wiilkiisa. Maalmo kadib, Nasrallah laftiisa ayaa waxaa dishay Israel.

Qaraxyadaas iyo dilka Nasrallah oo ka dhashay weerar cirka ah oo Israel ay ku qaadday xaafadaha koonfureed ee Beirut bishii Sebteembar 2024, ayaa noqday bilowgii duullaanka Israel ee lagu dilay in ka badan 4,000 oo qof oo ku noolaa Lubnaan, laguna burburiyay qeybo badan oo ka mid ah koonfurta dalkaas.

Dagaalkaas, oo Israel ay sheegtay inay u qaadday si ay u joojiso weerarada xuduudda ka tallaaba ee Xisbullah ay ku taageeraysay xulafadeeda Xamaas ee Gaza, wuxuu gilgilay awooddii Xisbullah ku laheyd Lubnaan, halkaas oo hadda kooxda lagu cadaadinayo inay hubka dhigto.

Isbeddelladaas waxay ahaayeen kuwo aan la qiyaasi karin sanad ka hor, xilligaas oo hoggaamiyihii Xisbullah uu wajahayay sir-jebin weyn oo dhinaca sirdoonka ah oo lagu sameeyay aaladihii isgaarsiinta, taasoo ay ku dhinteen tobannaan ka mid ah xubnaha kooxda, kuna naafoobeen kumannaan kale.

“Wuu murugaysnaa, wuu xanaaqsanaa, wuuna ka shalaynayay — waxaa jiray ciil badan iyo fikir ah, ‘Sidee bay tani ku dhici kartaa?’ Wuxuu isu arkayay in ay aamin ku aheyd nolosha dadkaas,” ayuu yiri Jawad Nasrallah, oo ah wiilka labaad ee ugu weyn Nasrallah, isagoo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters xilli uu ku sugnaa qabriga aabbihiis.

Xilligaas, amniga Nasrallah ayaa si weyn loo adkeeyay. Jawad, oo la mid ahaa in ka badan hal milyan oo reer Lubnaan ah, waxaa barakiciyay duqeymaha cirka ee Israel, mana uusan arag aabbihiis muddo saddex bilood ah.

“Waxaad dhihi kartaa maalinba maalinta ka dambaysa ayaan ku noolayn. Wax la hubo ma jirin,” ayuu yiri Jawad.

Khudbaddii ugu dambaysay ee Nasrallah laga arkay telefishinka waxay ahayd 19-kii Sebteembar. Siddeed maalmood ka dib, dhowr bam oo nooca burburiya dhufaysyada dhulka hoostiisa ah oo Israel ay la beegsatay xarun ay Xisbullah ku lahayd xaafadaha koonfureed ee Beirut ayaa lagu dilay Nasrallah, kaasoo hoggaaminayay kooxdan awoodda badan ee Shiicada ah ee diiniga, siyaasadda iyo militariga isugu jirta in ka badan 30 sano.

“Sida dadka kale oo dhan ayaan wararka ka ogaannay. Waxay ahayd arrin naxdin leh, laakiin ma ooyi karin – qof guriga joogay ma uusan qaylin karin ama muujin karin dareenkiisa,” ayuu yiri Jawad, isagoo sharraxayay in dadkii kale ee degganaa dhismaha ay si ku-meel-gaar ah ugu noolaayeen aysan ka warqabin xiriirka ay la leeyihiin hoggaamiyaha Xisbullah.

Wakhtigaas, weerarada Israel waxay beegsanayeen Muslimiinta Shiicada ah ee barakacay oo ku sugnaa meelo tobannaan kiiloomitir u jira xuduudda koonfureed ee Lubnaan, taasoo dhalisay cabsi laga qabo dagaal sokeeye, maadaama magaalooyinka Sunnida ama Masiixiyiinta ay si shaki leh u eegayeen Muslimiinta Shiicada ah ee soo qaxayay.

“Waxaan dareennay dareen go’doon ah sida dadka kale oo dhan, marka lagu daro dhibaatooyinkii foosha xumaa ee xilligaas, oo qof walba u ahaa mid xun: dagaal, duqeyn, naxariis-darro — iyo waxaas oo dhan waxaa dheeraa dareenka qariibnimada,” ayuu yiri Jawad.

Iyadoo Israel ay kordhisay weerarada ay ka geysanaysay guud ahaan Lubnaan ayna ciidamo dhulka ah u dirtay koonfurta dalkaas, maydka Nasrallah looma rari karin xabaal dhawr maalmood, waxaana loo sameeyay aasin ku-meel-gaar ah. Munaasabad rasmi ah ayaa la qabtay bilooyin ka dib xilli xabbad-joojin ay jirtay.

Dagaalkii Israel ee si weyn u wiiqay Xisbullah waxaa xigay afgembigii lagu riday xulafadoodii Suuriya, Bashar al-Assad, iyo dowlad cusub oo ka dhalatay Lubnaan taasoo ballan-qaadday inay xoojin doonto in hubka oo dhan ay dowladdu keliya gacanta ku hayso.

Xisbullah way diidday inay iska dhiibto hubkeeda — mowqifkaas oo uu ku celiyay Jawad, oo ah ganacsade aan xil rasmi ah ka hayn kooxda balse ay cunaqabatayn saartay Dowladda Mareykanka.

“Weligaa ha ku riyoonin ama ha ku fikirin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuu weli aabbihiis ka dalbado hagitaan.

“Waxaan ka codsadaa inuu xalliyo dhibaatooyinka qaarkood. Waxaan ku dhahaa: ‘Waa inaad mushkiladdan noo xallisaa oo aad igala shaqeysaa,’” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News