25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xaadoole oo isku soo sharxay kursiga Cali Guudlaawe

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax oo u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Xaadoole oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha HirShabelle, xilli ay haatan si weyn isku hayaan isaga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo muddooyinkii dambe uu ka dhexeeyay dagaal siyaasadeed oo wayn.

“Aniga ayaa ah musharrax Madaxweyne HirShabelle waxaan aaminsanahay haddii aan ku guuleysto inaan wax badan ka bedali karo, dadka aan doorashada ka rabanaa waa dadka State-ka” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaadoole.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waa socdaa aniga inuu cod isoo celiyo ama tabar isoo celiso maahee darbiga waa soo taabanaa”. Xaadoole oo isku soo sharraxay kursiga Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wuxuu sameeya ballan qaad wayn isaga oo sheegay haddii uu helo xilka inuu mideyn doono shacabka labada gobol, kadibna uu la dagaalami doono Al-Shabaab.

“Haddii aan ku guuleysto oo i doortaan dadka degan labada gobol waxaan mideyn doonaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo aan isku keeni doono, cadowga hadda dhex noq noqonaayana waa ka saari doonaa, haddii uu Ilaah yiraahdo”. ayuu mar kale yiri Xaadoole.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in tartanka laga dhigo mid furan oo doorashaduna noqoto qof iyo cod, si loogu kala baxo sanduuqa.

“Doorashada waxaan rabnaa in la aado qof iyo cod oo meesha laga hirgalsho, loona naxo dalka iyo dadka”” ayuu sii raaciyay.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalada kala guur ah, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaq ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo.

- Advertisement -

Read more

Local News