Xaaf iyo Waare ma waxaa haya siyaasad xumo mise dadnimo xumo?

Markii Jubbaland ay wajaheysay loolankii siyaasadeed ee dowladdii Xasan Sheekh ee meesha ka saartay jiritaankeeda, waxa garabka ugu weyn ay ka heshay waxay ahayd maamulka Puntland, waxaana ka dhaxeeya isbaheysi siyaasadeed oo adag.

Sidaas darteed, isbaheysi kasta oo labadaas maamul dhex mara waa wax la fahmi karo, haba ku dhisnaado dano siyaasadeed, ama sida ay u badan tahay mid qabiil.

Waxaase is-weydiin mudan; isbaheysi ay madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo kan HirShabelle Waare ay la galaan Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe, maxay tahay danta ugu jirta, haddii ay la galaanse, ma yahay mid ku dhisan dan guud oo labada dhinac ah, mise dhinac ayaa ku adeeganaya dhinac.

Waxaan arrintan is-weydiiyey markii aan arkay laba arrin. Tan koowaad, dhismaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo guddoomiye looga dhigay Gaas, ku xigeenna Waare, ayada oo xoghayaha guud ee golahaas uu qaatay Cabdi Cali Raage, oo ah maskaxda aqooneed ee Axmed Madoobe.

Marka ay noqoto urur, xoghayaha waa ka xoog badan yahay guddoomiye ku xigeen, mararka qaarna guddoomiyaha. Sidaas darteed side Xaaf iyo Waare ku aqbaleen in Axmed Madoobe iyo Gaas, ay qaataan labada xil ee ugu sarreysay golahaas, maadaama ay isku dhinac yihiin.

Waxaa macquul ah laba arrin midkood, inaysan fahamsaneyn qaab dhismeedka ururka iyo awoodaha shaqsiyaadka, iyo inay fahamsan yihiin oo ay raali ka yihiin, ayada oo Xaaf xilkiisa ay dowladda qashaadka gelisay uu ilaashanayo, halka Waare uusan kala jecleyn.

Waxaa taas ka darran Cali Cabdi Raage ayaa isaga oo sheegaya inuu wakiil ka yahay dhammaan maamul goboleedyada wuxuu isku dayey inuu gobolka Banaadir ka reebok a qeyb galka shirka madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada.

Gobolka Banaadir kama mid ah federaalka, hase yeeshee waxaa degan saddex milyan oo qof, oo u baahan matalaad, ay dhaafsiisay dowladdii tan ka horreysay.

Dadkan, marka ay noqoto nidaamka federaalka Soomaaliya ee qabiilka ku dhisan, waxaa matala xildhibaanada laga soo doortay HirShabelle iyo Galmudug, sidaas darted Xaaf iyo Waare waxay si dadban matalaad ugu yihiin dadka degan Muqdisho.

Haddii ay sidaas jirto, oo aan ognahay sababta Axmed Madoobe iyo Gaas ay caqabadda ugu yihiin gobolka Banaadir, sidee ayey Xaaf iyo Waare raali uga noqdeen in gobolka Banaadir gees loo riixo, oo uu riixo urur ay xubno ka yihiin, Haddii ayaga aysan u doodin gobolka Banaadir, yaa u doodaya.

Ma siyaasad xumo ayaa haysa mise dadnimo xumo?

W/D: Cabdirizaak Muuse
Email: abdrizak1111@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid