32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xaaladda Beledweyne oo maalintii 2-aad kacsan “See wax u jiraan?”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaa maalintii labaad ka dhacay dibadbaxo waaweyn  kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay sarkaal ciidan.

Wariye madax banaan oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in magaalada ay ka socdaan dibad baxyo looga soo horjeedo dil magaalada loogu gaystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Kornayl Xaashi Xuseen Diiriiye.

Dibadbaxayaasha ayaa ka caraysnaa dilka sarkaalka oo la sheegay inay gaysteen askar ka tirsan ciidanka milateriga ee ku sugan Beledweyne.

Wariyaha noo warramay ayaa sheegay in dibadbaxa uu sababay maalintii labaad in ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyadoo hakad u ku yimaaday isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay dadka dibadbaxaya ayaa sheegay in la xiray qaar ka tirsan askartii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka sarkaalka.

Waxaa laga cabsi qabaa magaalada in uu ka dhaco dagaal, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News