28 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Xiisadda Boorama oo kasii dareysa iyo Madaxweyne Cirro oo loo qabtay 6 saac

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Rabshadaha ka socda magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa kasii daraya, waxaana korortay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay iska hor imaadka shacabka iyo ciidamada Somaliland.

Dadka ku dhintay rasaasta ay fureen ciidanku ayaa kor u dhaafaya 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 45 ruux, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha.

Rabshadahan xooggan oo ka dhan ah go’aankii xukuumadda Somaliland ay ku fasaxday bandhiga xeer Ciise ayaa haatan kusii fidaya magaalooyinka kale ee gobolka.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid mudeyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa mas’uuliyadda xaaladda taagan dusha u saaray Madaxweynaha Somaliland.

Xildhibaan Abiib ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay in uu magaalada Boorama geeyay maleeshiyaad uu dhawaan qarameeyay oo uu ku daray ciidanka, kuwaas oo uu sheegay inay si bareer ah u leynayaan shacabka.

Xildihbaanka oo shacbiyad ku leh gobolka Awdal ayaa Madaxweynaha Somaliland u qabtay in 6 saac gudahood uu ciidamada uga soo saaro magaalada Boorama, uuna raali-gelin ka bixiyo wixii dhacay.

“Boorama waxaa la geeyay oo dadka leynaya rag uu Cirro shalay soo qarameeyay oo tababar haysan, oo jabhado ah,” ayuu yiri Xildhibaan Abiib.

Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay dagaal haddii Madaxweyne Cirro uu mudadaas ciidamada uu geeyay Boorama uga soo saari waayo magaalada. “Cirro haddii uu ciidanka magaalada kasoo saarin inta cadceeda dhicin, khasaarahan uuna ka bixin raali-gelin, waxaa iskugu imaneyna tallo, waxaana yeelayna siduu rag yeeli jiray,” ayuu yiri.

Si kastaba, xaaladda ayaa faraha kasii baxaysa, iyadoo rabshaduhu isku beddeli karaan kacdoon looga go’ayo maamulka Somaliland, sidii hore uga dhacday magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka Waqooyi Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News