27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Xaaladda Soomaaliya oo ka sii dareysa kadib markii..

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda bini’aadantinimo ee dalka ayaa kasii dareysa iyadoo in ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya ay wajahayaan xaalad adag.

Tiradan ayaa ka dhigan in ku dhowaad rubuc ka mid ah tirada dadka dalka ay wajahayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay abaaraha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ugu yaraan 120,000 qof ay ku barakaceen muddadii u dhexeysay September iyo December, xilli ay sare u kacayaan qiimaha biyaha, cuntaduna sii yaraaneyso, xooluhuna ay dhimayaan, isla markaana ay sii burburayaan ilihii nololeed, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee QM (OCHA).

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in in ka badan 75,000 arday oo ku kala nool gobollada dalka lagu qasbay inay ka haraab waxbarashadooda.

OCHA waxay ka digtay in xilliga abaarta ee la filayo inta u dhaxeysa Janaayo illaa Maarso uu sii adkeyn doono xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo biyo la’aan sii xoogeysa, dhimasho badan oo ku timaadda xoolaha, iyo khatar sii kordheysa oo cunto-yaraan ah oo ka jirta meelo badan oo dalka ah.

Hay’addu waxay ku baaqday in gargaar degdeg ah la bixiyo si loo badbaadiyo nolol-maalmeedka xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, isla markaana looga hortago khasaare nafeed oo laga hortagi karo.

OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in afarta bilood ee soo socda ay yihiin kuwo aad u nugul, maaddaama aan la filayn in roobab da’aan illaa bisha Abriil ee sanadka 2026.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan ay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada xaaladda abaaraha, iyagoo isku dubbaridaya jawaabaha degdegga ah ee la xiriira biyaha, cuntada, nafaqada, caafimaadka iyo hoyga.

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale wada bixinaya kaalmada lacageed, quudinta xoolaha, iyo dayactirka ceelasha, iyagoo booqanaya goobaha ay saameyntu ka jirto si ay u qiimeeyaan heerka dhibaatada, una ogaadaan kheyraadka loo adeegsan karo tallaabooyin hore.

Si kastaba, dadaalladan waxaa caqabad weyn ku ah dhaqaale yari baahsan, iyadoo OCHA ay sheegtay in baahida jirta ay aad uga badan tahay taageerada hadda la heli karo, isla markaana gargaar dheeri ah si deg-deg ah loogu baahan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News