Xaaska madaxweynihii Haiti ee la dilay oo ka sheekeysay qaabka uu DILKA u dhacay

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Martine Moïse oo ah xaaska madaxweyinihii la dilay ee dalka Haiti ayaa ka hadashay, sida uu u dhacay weerarkii qorsheysnaa ee lagu dhowaan khaarijiyey Seygeedii hore, isla-markaasna uu iyadu kasoo gaaray dhaawac halis ah.

Marwada madaxweynihii hore ee Haiti ayaa sheegtay in ragga weerarka geystay oo ahaa calooshood u shaqeystayaal ay mar qura guriga usoo dhaceen, isla-markaana ay rasaas ooda kaga qaadeen madaxweyne Jovenel Moïse oo ahaa bartilmaameedkooda koowaad.

Martine Moïse waxay sidoo kale shaacisay in xittaa Seygeedii uu awoodi waayay inuu hal erey yiraahdo, ayna toogasho toos ah ku dileen ragga weerarka geystay.

“Muddo ilbiriqsi ah, ayey calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo galeen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas,” ayay ku tiri Mrs Moïse.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa fursad u siinin inuu hal eray dhaho,”.

Ugu dambeyn Mrs Moïse  ayaa wacad u martay inay sii wadi doonaan shaqadii uu hayey  Jovenel Moïse, tanina ay dhaawici doonin mustaqbal dadka iyo dalka Haiti.

Xaaska madaxweynihii hore ee  wadanka Haiti ayaa iyadu weerarka kadib loo duuliyey halka loo yaqaano Miami, si loogu soo daaweeyo xaaladeeda caafimaad.

Si kastaba ciidamada ammaanka ee wadankaasi ayaa weerarka kadib qaaday howl-gallo ballaaran, waxayna warbaahinta u soo bandhigeen qaar ka mid ah rag lagu tuhunsan yahay inay iyagu ka dambeeyeen dilkaasi, hub, rasaas badan iyo sidoo kale baasabooro intaba.