Muqdisho (Caasimada Online) — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Khamiistii beeniyey eedeymo sheegayay in mashaariic ay maalgelisay dowladda Sweden si khaldan loo maamulay, ama ay salka ku hayaan iskaashi qarsoon oo dhanka tarxiilka ah, isagoo eedeymahaas ku tilmaamay kuwo “dhinac u janjeera” oo aan ku dhisnayn xaqiiqooyin la hubiyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska 18-kii bishan Disembar, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu si adag isaga fogeeyay wararkaas, isagoo meesha ka saaray jiritaanka “maamul-xumo, iska-hor-imaad dano gaar ah, qasab, ama ku-takri-fal kaalmooyinka horumarineed.”
Wuxuu ku dooday in taageerada Sweden loo maamulo si waafaqsan shuruucda deeq-bixiyeyaasha, iyadoo ay fulinayaan hay’ado caalami ah oo lagu kalsoon yahay.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Sweden ay wajaheyso cadaadis xooggan iyo su’aalo la xiriira heshiisyo la sheegay in lagu dadajinayo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo Stockholm ay sii adkeysay fulinta go’aannada dadka loo diiday magangalyada.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in hay’ado caalami ah—oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay—ay fuliyaan mashaariicda Sweden iyadoo la raacayo “heshiisyo qeexan.”
“Ma jirto lacag ka tirsan deeqaha Sweden oo si toos ah loogu shubo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya aysan maamulin lacagahaas.
Beddelkeeda, waxaa la sheegay in hay’adaha fulinta ay gacanta ku hayaan “bixinta gunnooyinka, heshiisyada shaqaalaha, iyo maareynta boosaska taageerada farsamo,” kuwaas oo mas’uuliyaddooda maamul, xisaabtan iyo kormeerba ay iyagu leeyihiin.
Dhanka kale, Xafiiska ayaa dhaliilay saldhigga cadeymaha la adeegsaday, isagoo warbixinnadaas ku tilmaamay kuwo “cuskanaya sheegashooyin aan la hubin,” isla markaana soo xiganaya xiriirro la sheegay in la sameeyay oo “aan si rasmi ah loo soo bandhigin, si madax-bannaanna aan loo xaqiijin.”
“Eedeymahani ma noqon karaan caddeymo dhab ah,” ayaa lagu yiri warka, iyadoo intaas lagu daray in ujeedku u muuqdo mid lagu doonayo “in lagu dhaawaco sumcadda mas’uuliyiin sar-sare oo dowladda ka tirsan,” taasina ay tahay mid ka hooseysa anshaxa saxaafadeed ee la aqoonsan yahay.
Muranka maaliyadda iyo warbaahinta Sweden
Jawaab-celintan ayaa ku socota eedeymo is-biirsaday oo sheegaya in taageerada Sweden ay isku dhafan yihiin mashaariic horumarineed iyo barnaamij gaar ah oo la xiriira socdaalka.
Idaacadda Dadweynaha Sweden ee Ekot ayaa horey u werisay in Sweden iyo Soomaaliya ay gaareen is-afgarad qarsoodi ah, kaas oo 100 milyan oo Karoon (SEK) loogu weeciyay mashaariic xiriir la leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, si taa beddelkeeda Soomaaliya ay u aqbasho dadka la soo tarxiilayo.
Sidoo kale, warbaahinta Sweden ayaa diiradda saartay barnaamij ay maalgelisay Wasaaradda Caddaaladda dalkaas oo soo maray Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), kaas oo la sheegay in lagu bixiyay $517,000 oo lagu maalgeliyay jagooyin la xiriira isku-dubaridka socdaalka iyo dib-u-celinta.
Somalia Today ayaa Khamiistii werisay in Ekot ay soo xigatay qoraallo gudaha ah oo muujinaya in jago sare oo xiriir la leh xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay maalgelisay Wasaaradda Caddaaladda Sweden.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan magacaabin shaqsiyaad gaar ah, balse wuxuu diiradda saaray hannaanka guud—yaa maamula lacagta? Yaa shaqaaleysiiya dadka? Iyo sidee loo maamulaa taageerada farsamo ee deeq-bixiyeyaasha?
“Dowladda Soomaaliya ma gasho heshiisyo qarsoodi ah,” ayuu yiri Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo raaciyay in dhammaan iskaashiga kala dhexeeya dowladda Sweden uu ku dhisan yahay heshiisyo rasmi ah oo qoran.
Warka ayaa lagu xusay in kaalmada horumarineed ay waafaqsan tahay mudnaanta qaran ee Soomaaliya, loona fuliyo “si daah-furan oo ay ku jirto kormeer iyo xisaabtan caalami ah.”
Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay “heerka ugu sarreeya ee hufnaanta iyo isla-xisaabtanka,” iyagoo xusay inay qiimeynayaan iskaashiga soo jireenka ah ee kala dhexeeya Sweden.

