Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa caawa ka socota xaflad ballaaran oo loogu dabaal dagaayo munaasabada ciidda barakeysan ee ciidul Adxaa.
Xafladda oo ay ka qaybgalayaan 1000 qof, waxaa ka mid ah fannaaniin caan ah sida fannaanada heerka qaran ee Hibo Nuura, kooxda Qaylo Dhaan iyo kooxo kale.
Waxaa kaloo xafladda goob-joog ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo marti sharraf kale oo lagu casuumay xafladda.
Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo xafladda ku sugan ayaa soo sheegaya in xafladda ay ka muuqato damaashaad ballaaran.
Fanniinta ayaa maawelinayay dadka ka soo qaybgalay xafladda, waxaana magaalada caawa ay ka badallan tahay habeenadii hore sida uu lee yahay wariyaheena.
Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura) oo dhawaan ku soo laabatay Muqdisho, ayaa si kooban saxaafadda ula hadashay waxaana ay sheegtay in Muqdisho ay ku aragtay wax yaabo badan oo horrumar ah isla markaana caawa ay soo bandhigi doonto heeso badan oo dadka qiiro galin doona.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho