Xaggee ayey marayaan dadaallada uu Qoor Qoor ka wado Koonfur GALBEED?

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalintii saddexaad ku sugan Baydhabo ayaa halkaasi ka wada wadahadallo la’isugu soo dhoweynayo Koonfur Galbeed iyo Xukuumadda Soomaaliya oo isku qabtay dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Qoor Qoor oo ay la socdaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay inuu dhiggiisa Koonfur Galbeed kala hadlayo tabashada ay ka qabaan munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha kale ee la socda ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Lafta Gareen iyo xildhibaanada dooran, iyaga oo ka wadahadlay xiisadda taagan iyo sidii loo dhammeyn lahaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay wadahadallada socda, iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in aanan weli wax xal u muuqan kara aanan laga gaarin arrinta laga wada hadlayo ee ku aadan khilaafka Rooble iyo Lafta Gareen.

Waxaa weli socda dadaallada xal raadinta a, iyada oo sidoo kale lagu ballamay inay sii socdaan kulamada wadatashiga ah, inta laga gaaro is afgarad ku aadan xiisadaas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeynta xukuumadda iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyada oo haatan lagu sii dhowaanayo taariikhda loo qabtay dhaarinta xildhibaanada oo ah 14-ka bisha, taas oo shalay ay markale ku celiyeen Ra’isulwasaaraha iyo guddiga doorashooyinka.

Si kastaba, Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada taabacsan Farmaajo ayaa horey ugu dhowaaday inay gebi ahaan joojisay wada shaqeyntii kala dhexeysay ra’iisul wasaaraha, taas oo dab kusii shiday xiisadda labada dhinac.